Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Dhexmaray Beelaha Abgaal iyo Xawaadle

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Dhexmaray Beelaha Abgaal iyo Xawaadle

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed mar kale maanta dib uga qarxay xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhexeeyay beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol.

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalkan uu socday ku dhowaad saddex saacadood oo xiriir ah, kadibna uu mar dambe istaagay

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, kuwaas oo ah labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyaadka labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran la xariira dhul beereed halkaas ku yaalla oo ay isku qabteen labada beelood.

Dhinaca kale waxa soconayo dadaallo dhex dhexaadin ah oo ay haatan bilaabeen madaxda HirShabelle iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisaddaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ku dhexmaray labada beelood ku dhexmaray deegaanka Iji oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka Xumaatay Warkii Dhawaan kasoo Yeeray Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Itoobiya
Next articleFaahfaahin la xiriirta ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd ku gubay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here