Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Sadex Xildhibaan oo lagu Doortay Baraawe iyo Xildhibaan Caan ah ka Mid...

Sadex Xildhibaan oo lagu Doortay Baraawe iyo Xildhibaan Caan ah ka Mid noqday

0

Magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka rasmiga ah ee Koonfur Galbeed waxaa saakay ka bilowday doorashada 13-kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu wado in magaaladaasi lagu doorto.

Doorashada ka socota magaalada Baraawe ayaa ah mid natiijadeeda lasii ogyahay ayna kusoo baxayaan 13-Xildhibaan oo si gaar ah loo wato kuwaas oo loo sameeyay musharaxiin malxiis ahaan ula tartama.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop165 oo horey ugu fadhiyay xildhibaan Saalim Aliyow Ibrow ayaa saakay mar kale loo doortay xildhibaan Saalim Aliyow Ibrow oo helay 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Cusmaan Xasan isna uu heley 15-cod.

 

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee tirsigiisu yahay Hop161 isna ku guuleestay Yuusuf Maxamed Aadan oo helay 80-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Xuseen Faarax isna heley 7-cod.

Kursiga saddexaad ee tirsigiisu yahay HOP044 waxaa kusoo baxday kuna guuleesatay Maryan Maxamed Cali oo heshay 73-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar iyana heshay 10-cod.

Ad
Previous articleGaadiid Dagaal oo Farabada oo Gaaray Jowhar iyo Xiisad Ka tagaana Magaaladaas
Next articleDeg deg madaafiic Lagu Garaacay Magaalada Baraawe Xili Doorasho Ka socoto iyo Qasaaro Ka Dhashay Madaafiicdaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here