Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba jug oo xoog leh oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho.

Sida ay mudug24 u sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa la weeraray ciidan fariisin ku leh isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubka loo adeegsaday weerarkaas, dadka qaar waxay sheegayaan in laba bamgacmeed lagu tuuray ciidanka.

Dadka qaar ayaa noo sheegay in ciidanka lagu riday laba xabadood oo ka dhacday qoriga RPG ee Sebenka loo yaqaano, balse si rasmi ah looma oga cidda fulisay weerarkaas iyo waxa loo adeegsaday.

Ad
Previous articleIn ka Badan 300 Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo la qabtay
Next articleLaba nin oo oo Gaalkacyo ku Afduubtay Wariye Maraykan ah oo kasoo Muuqday Maxkamad ku Taal Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here