Home Wararka Maanta Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lix Sarkaal u Gudbiyay Maxkamada...

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lix Sarkaal u Gudbiyay Maxkamada Gobalka Banaadir

0

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Saraakiishaan ayaa ku eedeysan kiisas musuq-maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne, sameynta Documents been Abuur, qaadasho laaluush iyo ku takri-fal awoodda xafiisyo dowladeed, sida ku cad warqadda magacyadooda loogu gudbiyey maxkamadda.

Dhammaan eedeysanayaashaas waxay ka howlgelayeen xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Wartanabadda, waxayna kala yihiin:

1 – Cabdi Maxamed Diirshe oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Xamarjajab, horayna u soo ahaa madixii xafiiskaas ee degmada Wartanabadda.

2 – Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim maamulihii xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

3 – Cabdulqaadir Maxamed Cali, Qasnajigii canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

4 – Maxamed Ibraahim Xuseen, Kaaliyihii xafiiska qasnajiga canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

5 – Xasan Maxamed Cali, oo ahaa Hubiye xafiiska canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

6 – Xidigle Isaaq Xasan Macalin, oo ahaa Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha berriga ee ciidanka booliska u joogay degmada Wartanabadda.

Ugu dambeyntii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu gacanta ku hayo baaritaanka dacwado kale oo musuq maasuq la xiriira.

“Markii ay soo dhamaadaan baaritaanada socda, waxaan u gudbi doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Ad
Previous articleNinka Soomaaliga ah oo Tahriib ku Galay Dalka Jarmalka oo guryaha ku xareeyay kumanaan qof oo Jarmal ah
Next articleMucaarad ka Dhan ah Axmed Madoobe oo Go,aano Xasaasi ah Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here