Home Wararka Maanta Wadaad ku baaqay in weerar lagu qaado Abiy Axmed oo dacwad lagu...

Wadaad ku baaqay in weerar lagu qaado Abiy Axmed oo dacwad lagu soo oogay

0

Dacwad oogayaasha waddanka Itoobiya ayaa wadaad caan ah oo ku baaqay in weeraro lagu qaado raysal wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed ku soo oogay dacwad

Abuna Lukas, oo ah hoggaamiyaha kaniisadda Orthodox-ka, ayaa hadal heyn badan dhaliyay bishii la soo dhaafay kadib markii uu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu dalka ku xukumayo “awoodo shaydaan ” wuxuuna ku baaqay in Abiy “dhagax looga dhufto wejiga”.

Abuna oo hadalkan ka jeediyay Mareykanka, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarrada xaga cirka ah ee ay fulineyso dowladda Itoobiya iyadoo ciidamadu la dagaalamayaan kooxo hubeysan oo kala duwan guud ahaan dalka.

Ma cadda in Abuna la maxkamadeyn doono isagoo maqan, maadaama uu ku suganyahay meel ka baxsan dalka.

Itoobiya ayaa ku dhawaad lix bilood ka hor ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ka taagneyd gobolka waqooyi-galbeed ee Axmaarada, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dowladda.

Wareegtada ayaa ku eg todobaadyada soo socda.

Ad
Previous articleKu dhowaad boqol qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo oo ku dumay
Next articleRoog cas iyo teendhooyin laga xaday madaxweyne dal Afrikaan ah oo la helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here