Home Wararka Caalamka Göteborg oo lagu Toogtay Nin Kamid Ah Dadka Deegaanka

Göteborg oo lagu Toogtay Nin Kamid Ah Dadka Deegaanka

0

Booliska Sweden ayaa bilaabay howlgalo culus kadib markii saaka nin lagu dhex toogtay gaarigiisa wadada Gårdsten ee Göteborg .

“Nin meesha marayay ayaa na soo wacay ka dib markii uu arkay nin dhaawac ah oo ku fadhiya baabuur meel baabuurta la dhigto,” ayay tiri Anna Joranson oo ah afhayeenka booliiska.

Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay labaataneeyo, ayaa gaadhi ambalaas ah lagu qaaday isagoo miyir daboolan Ka hor intaysan booliisku ku dhawaaqin geeridiisa goor danbe.

Booliiska ayaa warbixinta helay 8:36 subaxnimo. Dhowr goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay xaafadaasi iyagoo kaashanaya Eeyaha wax uriya. Waxa kale oo ay soo rogtay tiro jidgooyo ah oo ay saaran yihiin baabuur badan oo boolis ah.

Ad
Previous articleDEG DEG: Ciidamada dowlada oo si buuxda ula waregay degaanka Wabxo
Next articleMärtha Louise oo iskaga tagtay Shaqada Boqortooyada ee Norway Dhibaato ay kala kulantay Xiriirkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here