Home galmudug Dhagayso Gudiga Doorashooyinka Galmudug oo Beeniyay in la musuq maasuqay Doorashada aqalka...

Dhagayso Gudiga Doorashooyinka Galmudug oo Beeniyay in la musuq maasuqay Doorashada aqalka Hoose.

0

Gudiga doorashooyinka Galmudug ayaa beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta oo ku aadanaa in la musuq maasuqay Kuraasta qaar aqalka hoose ee Dowlada Galmudug.

 
Gudigu waxa ay beeniyeen in ay jirto Warqad qoraar ah oo ka soobaxday Dowladda Mareykanka oo loo dirtay Galmudug islamarkaana ay ku sheegtay Kuraasta qaar in la Musuq lagu sameeyay.

 

Afhayeenka Guddiga Doorashada dadban ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Yuusuf Diiriye ayaa sheegay in warkaasi uu yahay been abuur islamarkaana ay Muwaadiniintaas ku soo baxeen si Sharci ah oo Waafaqsan Nidaamka u degsan Doorashada.

 

“Waxaan u sheegeynaa in aysan jirin Kuraas dib loogu laabanayo in mar kale la doorto,waayo Doorashadu waa mid ku dhacday si hufan oo Xalaal ah,Doorashadana waxaa leh Soomaaliya si Caddaalad ay ku dheehan tahayna wey ku dhacday”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada Galmudug.

Halkaan Ka Dhagayso.

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here