Home Wararka Maanta Shirkada Maraykan ah oo Lagu eedeeyey Dhulgariikii Dhimashada Badnaa ee Ka Dhacay...

Shirkada Maraykan ah oo Lagu eedeeyey Dhulgariikii Dhimashada Badnaa ee Ka Dhacay Dalka Turkiga

0

Tan iyo markii uu 6-dii bishan February Turkiga ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu yahay 7.8 – kaas oo dilay dad ka badan 44,000 – waxaa baraha bulshada lagu faafinayay warar iyo sawirro ku saabsanaa musiibadaas.

Hase yeeshee, Warbaahinta Qaar ayaa ogaatay in qaar ka mid ah dadka ka hadlayay dhacdadaas ay si khaldan u eedeynayeen hay’adda HAARP oo ka shaqeysa dhinaca isgaarsiinta iyo hawada, taasoo fadhigeedu yahay gobolka Alaska ee dalka Mareykanka.

Waxaa hay’addan oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka lagu eedeeyay in ay si macmal ah u sababtay dhul gariirka dhimashada badan keenay.

Hay’adda HAARP waxaa la aasaasay sanadkii 1990, waxa ayna tan iyo 2014-kii ka shaqeyneysay xarunta Jaamacadda Alaska.

Markii uu dhacay dhul gariirka ka dib waxaa isasoo tarayay tirade dadka Twitter-ka uga hadlayay HAARP.

Daraasad ay warvaahinta Qaar  sameysay ayaa muujisay in ilaa 550,000 laga hadlay hay’adda militeriga Mareykanka.

Mid ka mid ah dadka eedeynayay ayaa soo qoray: “Maxaa runtii ka dhacay Turkiga?…. Waxay sameeyeen sarsamada cimilada ee Geo-engineering HAARP!”.

Qof kale oo Twitter-ka isticmaala ayaa soo geliyay muuqaal shimbir laga duubay, waxa uuna sheegay in xayawaanadu “ay u dhaqmayeen si layaab leh” ka hor inta uusan dhicin dhul gariirka, ka dibna waxa uu isweydiiyay su’aal ku saabsan in Turkiga ay “Weerar kusoo qaadday hay’adda HAARP”

Dad kale ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya daruuro ay sheegeen in ay Turkiga dul heehaabayeen ka hor inta uusan dhicin dhul gariirka, iyagoo sheegay in daruurahaas ay sameysay HAARP.

Jessica Matthews oo ah agaasimaha barnaamijyada ee HAARP ayaa warbaahinta ku tiri: “Qalabka cilmi baarista ee hay’adda HAARP ma awoodo in uu isbaddal ku sameeyo musiibooyinka dabiiciga ah.”

Aaron Ridley, oo ah barfasoor cilmiga cimilada iyo seyniska hawada ka dhiga jaamacadda Michigan ayaa ku raacay hadalkaas: “Ma jirto caddeyn seynis ah oo muujineysa in hay’adda HAARP ay maamuli karto cimilada.”

Ma aha markii ugu horreysay ee hay’adda HAARP si been abuur ah loogu eedeeyo in ay ka dambeysay musiibo dabiici ah.

“Howlaha HAARP waxaa marar kala duwan loola xiriiriyay sababta ugu weyn ee musiibooyin badan oo dabiici ahaa, iyadoo ay jirto in sheegashadaas ay dhowr jeer beeniyeen seynisyahannada iyo khubarada,” ayuu yiri Shayan Sardarizadeh oo ah weriyaha BBC-da u qaabilsan dhinaca dabagalka wararka been abuurka ah.

Maxay sameysaa HAARP?

HAARP waxaa markii ugu horreysay loo abuuray si ay u daraaseyso saameynta ka dhalata lakabka meeraha dhulka iyo sida uu awood ugu leeyahay in uu saameeyo qalabka isgaarsiinta ee militeriga iyo rayidka.

Cilladaha dabiiciga ah ee ka dhaca hawada sare waxa ay waxyeelleyn karaan mowjadaha raadiyaha ee kasoo baxa dhulka, kuwaasoo muhiim u ah tiknoolojiyadda casriga ah, sida tilmaam bixiyaha GPS-ka eek u shaqeeya qalabka satellite-ka, Wi-Fi iyo isgaarsiinta loo adeegsado raadiyaha.

“Halka u uku wareego meeraha dhulka waxa ay leedahay gargariir dabiici ah, kaasoo wax u dhimaha habsami u socodka mowjadaha isgaarsiinta ku shaqeysa raadiyaha,” ayuu yiri Barfasoor Ridley.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xarun uu Cusub oo Xariga Ka Jaray ku Qabtay Shirka Golaha Wasiirada Xili uu Dhisay Inta Badan Xarumaha Dowlada Galmudug(Sawiro)
Next articleMareykanka oo xabsiga Guantanamo Bay ka sii daayey Cabdulraxiim Axmed iyo Maxamed Axmed oo walaalo ah kadib 21 sano oo uu Xabsi ku Haayay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here