Home Wararka Somaliya Gaalkacyo oo lagu Qabtay Kooxo Dil ka geestay Magaalada

Gaalkacyo oo lagu Qabtay Kooxo Dil ka geestay Magaalada

0

Saddex qof oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, labo ka mid ahna yihiin saraakiil ciidan ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobi.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) waxaa fiidkii hore ee xalay waqooyiga Gaalkacyo lagu dilay qof ka soo jeeda Galmudug, dhacdadaas oo sababay in labo sarkaal oo ka tirsan Puntland la afduubo oo lagu dilo koonfurta Gaalkacyo.

Guddoomiye Sanyare oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan ciddii dilka ka gaysatay dhanka Puntland, sidaas si la mid ahna ay Galmudug ka rajaynayaan in ay soo qabtaan ciddii falka ka gaysatay dhankooda.

Guddoomiye Sanyare wuxuu tilmaamay in Puntland iyo Galamudug ay kuwada jiraan la dagaalanka Al-shabaab, wixii amni-darro ah oo ka dhexdhaca labada maamulna ay u arkaan mid loogu adeegayo Al-shabaab.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Doorashada oo gaaray Garoowe (Sawiro)
Next articleBanaanbaxyo ka socda Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here