Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo Gaalkacyo lagu Dilay

Wararkii ugu Danbeeyey Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo Gaalkacyo lagu Dilay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaalada Gaalkacyo ay koox hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee gobolka Mudug.

Kooxda hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Nabadoonka ay toogteen xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo, oo uu kusoo tukaday Salaaddii Maqrib.

Nabadoonka ayaa waxay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, ayada oo isla goobtaasi uu markiiba ku naf baxay Allaha unaxariiste.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Puntland, kuwaasi oo ilaa saakay baaritaano ka wada xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay Nabadoon Cabdi Dheere.

Laamaha amaanka ayaa weli waxay ku raad joogaan kooxda dilka geystay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Saraakiisha amniga ma bixin faah-faahin intaas ka badan, sida haddii lasoo qabtay dad lagu tuhmayo dilkaan iyo inkale.

Si kastaba, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe amaankeedu soo hagaagayay, inkasta oo marar dhowr ah sidaan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo amar culus kusoo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka
Next articleNin gabdhaha uu shukaansado ‘kabaha ka xadi jiray’ oo si layaab leh lagu ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here