Home wararka Dalka Daawo Sawirada Ban ki Mon oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Danjiraha Cusub...

Daawo Sawirada Ban ki Mon oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Danjiraha Cusub ee Somalia u Fadhiya UN-ka Yuusuf Garaad'”

2

ghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona xarunta UNka ee magaalada New York. 

Ban ki Moon ayaa xafiiskiisa magaaladan New York ku qaabilay Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah danjiraha cusub ee Soomaaliya u wakiilatay QM. 

“Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay inuu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxaa uu intaa ku daray in Ban u moon uu u sheegay in Soomaaliya ay ka soo baxday xiligii ku meel gaar, ayna sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama hey’adaha dowladu ay weli curdan yihiin.

“Waxaan warbixin ka siiyey horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhameystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad 

Dhankiisa Xoghayaha Guud ayaa sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuuna bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Isagoo xusay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku ceceliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay.bana1 bana

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

  1. WAR WAX (UN) LA DHAHAA MA JIRTEE WAA MAQAAYAD LAGA DHIBO,GUUMAYSTO,DUNIDA SEDEXAAD & SOMALIYA,,,,BAN KI MON WAXAAN U ARKAA TUUL AY NIMAN LEEYIHIIN OO WAXAY DOONAAN KU SHUBTAAN,,,,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here