Home Wararka Somaliya Galmudug C/raxmaan C Shakuur Warsame oo ku Baaqay in La Joojiyo Xiisad...

C/raxmaan C Shakuur Warsame oo ku Baaqay in La Joojiyo Xiisad ka taagan Galmudug

0

Musharax Madaxweyne C raxmaan C shakuur Warsame Ayaa si Kulul uga Hadlay Dagaalo iyo Xiisad ka Soo cusboonaaday Deegaanka Lagu Magacaabo Bahool oo u dhaxeeyay Ahlusuna iyo Ciidamada Galmudug.

Baaqa Deg Deg ah ayuu udiray Siyaasiga C/raxmaan C shakuur Warsame Galmudug iyo Ahlusuna, waxuuna Sheegay in Cadawga Galmudug uu yahay Alshabaab oo kaliya.

qoraalka Musharaxa Ayaa u qornaa Sidaan

Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka bohol ee Galmudug.

Cadawga Galmudug waa Al-Shabaab. Dagaal kasta oo lagu qaado cid aan Al-Shabaab aheyn wuxuu ka dhigan yahay gacansiin dadban oo argegexisada la siiyo iyo doorashadii oo looga mashquulo, labada arrinna waxay dan u yihiin Villa Somalia.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Galmudug, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka in dirirta lagu beddelo wadahadal, abaabulka iyo awoodda ciidana Al-Shabaab lagu wajaho iyadoo mideysan. Raysalwasaare Rooble waa in uusan ogolaan in furin kale lagu furo.

Ad
Previous articleAkhriso Tirada Sanatarada ee ilaa Hadda La doortay iyo Deegaanada ay kala yihiin
Next articleRa”isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergaga Qaramada Midoobey oo Ku Damaashaaday Xeebta Garoonka Aadan Cadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here