Home Wararka Somaliya Jubbaland Diiwaan galinta Musharaxiint Aqalka sare oo Maanta ka bilaabatay Kismaayo

Diiwaan galinta Musharaxiint Aqalka sare oo Maanta ka bilaabatay Kismaayo

0

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Dowlad Goboleed ayaa Maanta waxaa ay  Xaruntooda Magaalada Kismaayo ka bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare ee Beri doorashadooda ay ka dhaceyso.

Ilaa 8 Musharax oo ku tartami doona Afarta kursi ee Maamulka Nubbaland uga harsan Aqalka Sare ayaa Maanta la diiwaanginayaa, waxaana Musharixii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyay uu Maanta noqday Xasan Daahir Yaroow, isaga oo buuxiyay shuruudihii laga rabay.

Maanta ayaa Gudiga doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ay soo geba-gabeynayaan diiwaangelinta Musharixiinta, kuwaas oo Beri doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa todobaadkaan soo geba-gabeyn doono doorashada Aqalka Sare, waxaana kuxiga Maamulka Galmudug oo dhameystiri doona labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay inuu Fashilmay Wadahadallo Ahlusuna iyo Galmudug Laga dhexwaday
Next articleWiil Soomaali ah oo Xil sare ka qatay Wadanka Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here