Home Wararka Somaliya Galmudug Dawladda Ukraine oo Shaacisay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda ay u Gacan...

Dawladda Ukraine oo Shaacisay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda ay u Gacan Galeen Alshabaabka Ku Sugan Galmudug

0

Afar ruux oo u dhashay dalka Ukraine ayaa la sheegay inay saarnaayeen diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ah oo Arbacadii cagadhigatay deegaan ay maamulaan ururka al Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine.

“Muwaadiniinteenu waxay kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Jinsiyadu waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ukraine oo qoraal ku daabacay Facebook.

Diyaaradda oo u shaqayneysay Qaramada Midoobay ayna saarnaayeen sagaal ruux ayaa hawlgal caafimaad oo ay dhaawac uga soo daabuleyso furimaha dagaalka ee Galmudug ugu socotay magaalada Wisil, balse cilad farsamo darteed ku qasbanaatay inay hoobato meel u dhaw deegaanka Xiidheere oo ay ka arimiyaan al Shabaab.

Afhayeenka u hadlay Ukraine ayaa sheegay in diyaaradda ay lahayd shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata Qaramada Midoobaay.

Ad
Previous articleMasuul ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Goordhow la Dilay
Next articleDowlada Jabuuuti oo Soo Dhawaysay Go,aan ka Dhan ah Israail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here