Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Ciidamada Galmudug oo Dib Ula wareegay Mid ka...

War Deg Deg ah: Ciidamada Galmudug oo Dib Ula wareegay Mid ka mid ah goobihii Dhawaan laga Soo Baxay

0

Ciidamada Daraawiisha Galmudug ayaa Maantay Bilaabay inay Dib ugu Laabtaan Goobihii Dhawaan ay kasoo Baxeen Waxayna Maantay qaadeen Howlgal kii Ugu Horeeyey oo Rogaal Celis ah.

Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa gordhow lawareegay degaanka Qaycad ee koofurta gobalka mudug hawlgalkaan waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka Danab Kornel Caydaruus

Qaycad waxay kamid ahay meelihii dhawaan dib looga soobaxay waxaana lafilayaa inay ciidamadu saacadaha soo socda garaan magalada Bacadwayne.

Duqaymo Culus oo lagu Garaacay Alshabaabkii kusugnaa Qaycad ayaana Sababay inay Deg Deg uga Baxaan Difaacyadoodii.

Dowlada Soomaaliya ayaana Ku Daadaalysa Sidii Ciidamada Dowlada Dib loogu Celin lahaa Caad Camaara Iyo Bacaadwayn oo Asbuucii Hore laga soo Baxay.

Goobahaan dhamaantood Waxaa Haatan ku Sugan Alshabaab kuwaas oo Dhib la,aan Qabsaday Sanad kadib.

Mar kale dowladu waxay Amar ku bixisay in Ciidamada Danab ,Gor Gor iyo ciidamada daraawiishta galmudug ay si dhaqso ah gacanta dowlada ugu soo celiyaan deegaanada Bacaadweyne, Camaara shabeelow iyo Caad !

Ciidamada ayaana bilaabay hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo maantay dib u qabsadeen Qaycad oo Bacaadweyne wax yar u jirta waxaana la filayaa inay Bacaadweyne gudaha u galaan xili dhow

 

Ad
Previous article65 qof oo aan wada tahriibeynay keligey ayaa ka nool
Next articleXasan shiikh Maxamud oo dalka deg deg ugu soo laabtay kadib…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here