Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Saldhigii ugu waynaa Alshabaab ee Deegaanka Cali Yabaal...

War Deg Deg ah: Saldhigii ugu waynaa Alshabaab ee Deegaanka Cali Yabaal oo la burburiyay iyo Dagaal Qaraar oo ka socda

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig kooxda Alshabaab  ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal xoogan ayaa ka socday Deegaanka Cali Yabaal waxaana Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii Alshabaab saldhiga u aheed.

Sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka dagaalka oo bilaawday saakay aroortii ayaa ilaa iyo hadda socda,waxaana Alshabaab lagu gaarsiiyay jab xoogan.

Kooxda Alshabaab oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn cagta la mariyay oo laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa maalin walba baadi-gooba xubnaha ka tirsan Alshabaab ee ku dhuumaaleeysanaaya dhulka howdka ah,kuwaas oo hadda noqday qaar la dilay iyo kuwa nolosha lagusoo qabtay.

Ad
Previous articleHargeysa: Somaliland oo ka hadashey War kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh
Next articleWarbaahinta Qaranka oo Diiday inay Baahiso Khudbadii Shariif uu ka Jeediyay Baarlamaanka Iyo Shiikh Shariif oo Si Cara leh ugu Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here