Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka warbixin ka siiyay Hanaanka Doorashada dalka

Ra’isul Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka warbixin ka siiyay Hanaanka Doorashada dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Ad
Previous articleShir Deg Deg oo Muqdisho uga socda Xubnaha Beesha caalamka iyo R/W Rooble iyo M G D (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Cusub ee Dowladda Hindiya {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here