Home Wararka Somaliya Puntland Waa Sidee Xaalada Magaalada Garowe Saakay iyo Wararkii Ugu Danbeeyey

Waa Sidee Xaalada Magaalada Garowe Saakay iyo Wararkii Ugu Danbeeyey

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay dagan tahay, kadib markii shalay illaa xalay ay ku dagaalameen ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka jawiga uu xasilan yahay, isla-markaana uu istaagay dagaalkii ka socday xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay gudaha magaalada, kadib markii ay dadaallo sameeyeen isimimada dhaqanka Puntland.

Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland, si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Garoowe.

Dagaalkan ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 qof, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa isugu jira askar iyo shacab.

Dhinaca kale, waxaa dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka oo baaq u diray dhinacyada isku haya Puntland.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale bayaan kasoo saartay dagaalka ka qarxay Puntland, ayada oo dalbatay in la dajiyo xiisadda, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Beesha Caalamka.

Si kastaba, dagaalka Garoowe ayaa ka bilowday muddo kororsi uu qorsheynayo Deni, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, waxaana ka soo hor keestay xubnaha mucaaradka oo soo abaabulay dagaalkaas

Ad
Previous articleDagaalo Qaraar oo Markale Saqdhexe Dib uga Qarxay Magaalada Garowe
Next articleBeesha Caalamka oo Baaq Deg deg ah kasoo Saartay Dagaalka Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here