Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay Safiirka ingiriiska

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay Safiirka ingiriiska

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa maanta kulan khadka mareegta ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha & Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysatay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha kaga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.

Ad
Previous articleGaroonka Diyaaradaha Caabudwaaq oo dib Loo furay, ka dib Maalmo uu xirnaa
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo Marwada Madaxweynaha Qaranka oo Gaaray Hobyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here