Home Wararka Somaliya Puntland Puntland Oo Xukun Dil Toogasho Ah Ku Riday 10 Ka Tirsan Al-Shabaab

Puntland Oo Xukun Dil Toogasho Ah Ku Riday 10 Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Maxkamadda ciidamadda maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday 10 ruux oo Shabaab ah, kuwaasoo loo heysto dilal ay hore uga geysteen magaalada Gaalkacyo.

Garsoorka Puntland ayaa fadhigii maxkamadda kusoo bandhigay cadeymaha loo hayo danbiyada ay geysteen 10-kan ruux, taasoo keentay in dil lagu xukumo, magacyada xubnaha la xukumay ayaa kala ah;

1. Cadde Cabdullaahi Maxamed

2 Cabdiqani Suleeymaan Jaamac

3 Xasan Jaamac Maxamed

4. Maxamed Cali Axmad Muuse

5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi

6. Cabdulahi Faysal Xuseen

7. Barkhad Cawil Xirsi Nuur

8. Liibaan  Aaden Muuse

9. Cabdiqani Farxaan Abdulahi

10. Cabdiraxman Cawil Maxamed

Raggaan ayaa waxaa kamid ah Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo qh ragga ku eedeysan inay Gaalkacyo ku dileen Wariye Jamaal Faarax Aadan, kuwaas oo horay dil toogasho loogu xukumay balse racfaan ay ka qaateen.

 

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Kasocda Saakay Laasacaanood
Next articleMagaalo dhan oo ay baabi’isay duufaan ku dhufatay Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here