Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada oo isaga soo baxay Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan...

Ciidamada Dowlada oo isaga soo baxay Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray

0

Warar naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saaka dib uga soo baxeen degmada Galcad oo ay dhowaan kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaankaas, kadib weerar culus oo ay shalay kala kulmeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay saldhigyo ka sameysteen duleedka degmadaas iyo sidoo kale degmada Ceeldheer ee Galgalgaduud.

Xaalad kacsanaan ah iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa la soo wariyay in haatan laga dareemayo agagaarka degmada Galcad.

Weerarkii ay Jimicii ay Al-Shabaab ku qaaday magaaladan ayaa ku billowday illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan Maxamed (Xasan Tuure), waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhnak kale Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga dilay illaa 100 xubnood, sidoo kalena laga burburiyay illaa 5 gaari oo kuwa dagaalka ah.

Al-Shabaab ayaa iyaduna sheegatay in dagaalka ay ku dileen 159 ka tirsan askarta dowladda, iyadoo sheegashada labada dhinac aan si madax-bannana loo xaqiijin karin.

Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu qabtay degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ay muddo fog oo sanado ah ay ka talineysay kooxdu.

Ad
Previous articleDarawal Waday Hoyadiis iyo Walaashiis oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Banaanbax Socda
Next articleQoor Qoor oo Shir ku Qabtay Magaalada Xarardheere oo Wali uu ku Suganyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here