Home Wararka Maanta Burcad Badeedii Soomaalida ee Haystay Markabka MV Abdullah oo lacag Waali ah...

Burcad Badeedii Soomaalida ee Haystay Markabka MV Abdullah oo lacag Waali ah ka qaatay

0

Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay sii daayeen Markabka MV Abdullah oo maalmihii lasoo dhaafay ay u haysteen afduub ahaan.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo gaareysa illaa 5 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in lacagta madax furashada ah burcad badeedda looga soo tuuray diyaarad Helikobter ah, kadibna ay sidaas kusii daayeen markabka.

Sidoo kale waxaa lasii daayay, iyaga oo bad qaba shaqaalihii la socday markabkan oo gaaraya illaa 23 nin oo bad maaxiyiin ah.

Kooxda burcad badeedda ayaa kadib markii ay qaateen lacagta madax furashada ah waxa ay qaarkood u carareen dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay kusoo qabanayaan burcadda.

Markabka MV Abdullah ayaa xilliga la afduubanayay dhuxul u siday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana kooxaha burcad badeedda ay gacanta ku dhigeen 12-kii March ee sanadkan 2024-ka

Dhacdadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay oo burcad-badeedda Soomaalida ay lacag madax furasho ah ku qaataan tan iyo 2012-kii.

Waxaa sidoo kale falkan ka horreeyay howlgal kale oo ay dhawaan ciidamada badda Hindiya kusoo bad-baadiyeen Markabka MV Ruen oo gacanta u galay burcad badeedda, kuwaas oo nolosha lagu qabtay, kadibna la geeyay dalka Hindiya oo ay haatan ka bilaabatay maxkamadeyntooda.

 

Ad
Previous articleDowlada Iiraan oo War ka soo saartay weerarkii ay xalay ku qaaday Israa’iil
Next articleWasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo Shaaciyay Xiliga Alshabab lasoo Afjaraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here