Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ka dhacay Laasacaanood iyo Xildhibaan Ka...

Wararkii ugu danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ka dhacay Laasacaanood iyo Xildhibaan Ka Tirsan Puntland oo La qabtay

0

Ciidanka milatariga Somaliland oo maanta markale dagaal culus la galay ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa soo bandhigay ku dhowaad 10 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaal maanta ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Somaliland ayaa soo bandhigtay illaa 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo horay uga tirsanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo jeeda magaalada Laascaanood.

Dalmar ayaa horraantii sanadkan iska casilay xubinimadii baarlamaanka Puntland, wuxuuna toos uga biiray dagaalka ay dadka deegaanka kula jiraan xukuumadda Hargeysa.

Sidoo kale Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka maanta dhacay ay ku qasatay gaadiid dagaal iyo hub culus, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay in weerarka saaka ay soo qaadeen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland, balse ciidanka milatariga Somaliland ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale hoggaanka SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa iyaguna guul ka sheegtay dagaalka ay maanta la galeen Somaliland, waxayna tilmaameen inay hayaan maxaabiis.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyada ugu xoogan ay ka socdaan aagga xerada Goojacadde oo ay gacanta ku hayaan milatariga Somaliland.

 

Ad
Previous articleMaxaa kala qabsaday Al-Shabaab iyo Aabe ay isaga iyo toddoba carruurtiisa ah ciidanka Soomaaliya ku wada jiraan?
Next articleAskari Kenyan ah oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray mudaaharaadyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here