Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Xasuuqa Wali ka Socda GAZZA

Dowlada Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Xasuuqa Wali ka Socda GAZZA

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan bilasha barakeysan ee Ramadaan & duulaanka Israel ay ku qaaday shacabka reer Falastiin.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horreyntii bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan dadka Muslimiinta ah ugu hambaleeyay dhalasha bisha Ramadaan, isaga oo sidoo kale amar ku bixiyey in maqaayadaha ku yaalla Muqdisho aan la furi karin maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duulaanka ay Israel ku qaaday magaalada Gaza, halkaas oo ay ciidamada Yahuuda ay khasaare badan ku gaarsiiyeen shacab fara badan.

“Ummadad Muslimiinta guud ahaan waxaan uga baryeynaa in walaalaheyna reer Falasteen ee Gaza ku dhibaateysan uu Ilaahey dhibka ka qaado, in cadowga ku hareereysan uu ka sara mariyo, Ilaaheyna uu jabiyo cadowga” ayuu farriintiisa ku yiri duqa Muqdisho.

Madaale ayaa Israel ku eedeeyay inay carruur iyo waalidiintood ay ku leysay duqeymaha ay ka wada dhuka Falastiin, gaar ahaan magaalada Gaza.

“Carrruur yar yar ayaa ku dhimaneysa, ku dhaawacmeysa hooyooyin iyo aabeyaal oo aysan jirin wax ay galabsadeen ayaa maalin kasta dhiiggooda daadanaayo” ayuu mar kale yiri.

Guddoomiyaha gobolka ayaa dhinaca kale guuk u rajeeyay walaalaha reer Falasteen, wuxuuna ugu duceeyay inuu Ilaah ka dul qaado dhibaatada ay ku hayso Israel.

“Bishaan barakeysan Ilaahet nasri ha siiyo dhammaan dadka muslimiinta ahna, Ilaah dhibta haka dulqaado” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dowladda federaalka oo horay u shaacisay mowqifkeeda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin.
Ad
Previous articleSomaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Itoobiya
Next articleCiidamada Dowlada oo isaga Baxay Magaalada Bacaadwayne iyo Alshabaab ooo…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here