Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ugu Wada Qaybgalay Shir looga Hadlaayay Amniga(Sawiro)

Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ugu Wada Qaybgalay Shir looga Hadlaayay Amniga(Sawiro)

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xoojinta Amniga Gobalka Mudug iyo xal u helista shaqaaqooyin kooban oo kasoo cusboonaaday dhulka Miyiga ah.

Kulankaan oo ay goobjoog ahaayeen Maamulada Gobalka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland , Saraakiisha laamaha Amniga heer Gobal iyo heer Degmo ayaa diirada lagu saaray ka hortagga dadka caadaystay iska horkeenida bulshada ood-wadaagta ah ee Gobalka mudug iyo iskaashiga hay,adaha amniga.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay in looga baahan yahay qof kasta oo ku nool Gobalka Mudug in uu Nabadda iyo wada noolaanshaha ka shaqeeyo, isagoo digniin u diray maleyshiyaadka caadaystay dhaca xoolaha iyo dooxatada ee mararka qaar geysta falalka dhaawacaya nabadda guud ee Gobalka Mudug.

⁹ 

Ad
Previous articleDil loo geestay Haweeney Xaamilo ah oo Qareen Aheyd oo Carro ka dhalatay Dalka Nageria
Next articleVilla Soomaaliya oo Faahfaahisay safarka Madaxweyne Geelle iyo inta uu Muqdisho joogayo (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here