Home Wararka Maanta War Deh Deg ah:Qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo Qasa iyadoo heshiiskii soo...

War Deh Deg ah:Qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo Qasa iyadoo heshiiskii soo gabo-gaboobay

0

Warbaahinta kala ah Reuters iyo Al Jazeera ayaa ku soo warramaya, in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo waqooyiga Qasa, gaar ahaanna waqooyiga- galbeed ee magaalada Qasa.

“Dhacdadan ayaa daba socota iyadoo hawada marinka Qasa ay dul heehaabayaan diyaaradaha milatariga Israa’iil ee aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha dagaalka,” ayuu yiri Tareq Abu Azzoum Azzoum, oo ah wariye ka tirsan Al Jazeera, kaa soo ka soo warramayay magaalada Khan Younisee koonfurta Qasa.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa ku soo warrameysa dhaqdhaqaaqyo ka socda waqooyiga galbeed ee Qasa.

Mar sii horreysay, militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ka hortageen weerar gantaal, meel u dhow xudduudda Gaza.

Waxaa soo gabo-gaboobay heshiiskii Israa’iil iyo Xamaas, welina ma jiraan warar la xiriira kordhinta mudada heshiiskaas, iyadoo ay dedaallo wadeen Mareykanka, Masar iyo Qadar.

Ad
Previous articleMareykanka oo u digay Israa’iil iyadoo saacado ay ka harsantahay heshiiska Xamaas iyo Israa’iil
Next articleDagaal Culus oo Markake Ka Dhex Qarxay xamaas iyo Israail Xili Xabad joojin Jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here