Home Wararka Maanta Diiwaan galinta Xubnaha Musharaxiinta ee Aqalka sare oo Jowhar Lagu soo Gaba...

Diiwaan galinta Xubnaha Musharaxiinta ee Aqalka sare oo Jowhar Lagu soo Gaba gabeeyay

0

Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle ayaa weli Magaalada Jowhar ka wada diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa inay kamid noqdaan Senatorada Aqalka Sare.

Guddiga ayaa khamiistii lasoo dhaafay diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah, iyagoona siiyay shahaadada Musharaxtinimo, waxaana xubnaha la diiwaan-geliyay kamid ah Senatar Muuse Suudi, Cismaan Maxamuud Maxamed Dufte iyo Musharaxiin kale.

Sidoo kale Guddiga qabashada doorashada ayaa Maanta oo sabti ah diiwaan-gelin doona Musharaxiin kale oo u taagan inay ku soo baxaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee taalla Magaalada Jowhar, kuwaasi oo is diiwaan-gelin.

Doorashada Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana Jowhar laga dareemayaa diyaar garoow ballaan oo ku aadan doorashada, iyada oo ay socdaan kulamo siyaasadeed.

Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka  ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Federaalka gaar ahaan Booliska Haramcad.

Ad
Previous articleGalmudug: dad ceelbiyood ku dhintay
Next articleShirkii Farmaajo iyo Rooble oo Laga saaray Qoor Qoor iyo Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here