Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi: “Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah”

Muuse Biixi: “Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay dhibaatada ka taagan Laacaanood ay ka dambeyaan waxa uu ugu yeeray “argagagixisada caalamiga ah”.

Wuxuu sheegay in muddo 10 sana ah ay falal dil ah ka geysanyeen Laascaanood si naceyb ay khalkhal ay ug abuuraan halkaas.

“Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah, dhalinyarada iyo dadkaa mudaaharaadka wada uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan jamhuuriyadda Somaliland, waxaa maanta dhagahoodu laga buuxiyay oo dhibaatada weyn abuuray argagagixisada ah caalamiga ah waxay si gaadmo ah ugu dishay muddo 10 sana ah 40 qof oo ah kuwii dowladda u shaqeynayay iyo kuwa taageera”.

Wuxuu intaa ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda dhibaatada ka taagan Laascaanood.

Ad
Previous articleCiidmada Galmudug oo Degaano Horleh Alshabaab kala Wareegay(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo Hay’adaha Caalamiga ah ku Amartay Inay Deg deg Muqdisho ugu soo Guuraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here