Home Wararka Somaliya Sawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo Xili habeen ah kormeeray...

Sawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo Xili habeen ah kormeeray wadooyinka Gaalkacyo

0
Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ayaa Caawa Kormeeray Wadooyinka Halbawlaha u ah magaalada.
Kormeerka ayaa ku aadanaa u kuur galida isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo isagoo xog waraystay Ganacsatada Ku sugan Hareeeraha Laamiga Sida Hooyooyinka Caanaha iibiya oo uu maayarku ka dhageystay baahiyahooda Gaarkaa dhiirigelina u sameeyay.
Kormeerka Oo uu duqa Degmada Ku weheliyay Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Gaalkacyo Cali Xirsi Sahal ayaa sidoo kale salka ku hayay ka warqabida iyo u kuurgelida xaaladda Ganacsatada ku sugan hareeraha laamiga iyo adkaynta amniga magaalada Gaalkacyo oo iminka Wanaagsan maayarkuna uu shacabka ka dalbaday in ay garab istaagaan laamaha amaanka si looga hortago falalka Amniga Lidiga ku ah.
Kormeerka duqa Degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadeysa xili Amaanka magaalada uu soo hagaagayo labadii isbuuc ee ugu danbeeyay.
Ad
Previous articleMadaxtooyada oo War kasoo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Beesha Caalamka
Next articleCaasimada Gamudug ee Dhuusomareeb oo lagu qabanayo Shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here