Home Wararka Maanta Maxaa ka jira warqadda barasha bulshada qabsatay ee ku saabsan heshiiskii Turkiga...

Maxaa ka jira warqadda barasha bulshada qabsatay ee ku saabsan heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya?

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu hadal hayay warqad lagu sheegay in ay ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, taas oo looga hadlayo heshiiskii iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

Warqaddaan oo aan la xaqiijin karin dhabnimadeeda ayaa lagu qoray in heshiisku aanu quseynin xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay is af-garadkii dhexmaray jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya horraantii bishii la soo dhaafay.

MUDUG24 si ay u hubiso waxa ka jira warqaddaan ayaa waxaa eegtay websit-ka wasaaradda arrimaha dibadda iyo boggaga kale ee wasaaraddaas oo inta badan lagu baahiyo wixii ay ka hadashaba, hase yeeshee ma jiro war la xiriira heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen oo halkaa lagu faafiyay.

Falanqayn aan ku sameysay warqaddaan ayaa muujineysa in sida uu u dhiganyahay qoraalka lagu sheegay inuu ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga iyo farta loo adeegsaday ay ku jirto nooc kamid ah aaladaha lagu abuuro xogo mar labaad la soo xigtay ama aan si rasmi ah uga imaan ilaha asalka ah.

Heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga waxaa markii hore wada gaaray wasaaradaha difaaca ee labada dal, iyadoo kadib ay meel-mariyeen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ugu dambeynna uu saxiixay shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ad
Previous articleHeshiikii Turkiga ee Difaaca Badeena oo Si Rasmi ah u Dhaqan Galay
Next articleHeshiiska Turkiga iyo Soomaaliya saameyn maku yeelan karaa kii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here