Home Wararka Maanta Alshabaab oo laga Saaray Saldhigyo Waawayn oo ay ku lahaayeen Koonfurta Gobalka...

Alshabaab oo laga Saaray Saldhigyo Waawayn oo ay ku lahaayeen Koonfurta Gobalka Mudug

0

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhigyadan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla isgoyska Cadaaley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaas.

Saraakiisha howlgallada hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna baacsanayaan firxadkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa haatan kusii siqaya aagga buurta Yacgoos, halkaas ay oo ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhawaan duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka Xarardheere, taas oo lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo xilkii iska casilay
Next articleDagaal Markale kasoo Cusboonaaday Gobalka Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here