Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Wali Qasaysaysa Hawada Soomaaliya iyo laba diyaarad oo ku sigtay...

Soomaaliland oo Wali Qasaysaysa Hawada Soomaaliya iyo laba diyaarad oo ku sigtay inay isku dhacaan

0

Khatarta shil diyaaradeed ayaa maanta mar kale ka dhacday hawada Soomaaliya, kadib markii isku cabir lagu hagay oo amarro qaldan la siiyey diyaarado ay lahaayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Labadaas diyaaradood oo rakaab sida ayaa ka soo kala duulay Addis Ababa iyo Doha, waxayna u kala socdeen Kampala Uganda iyo Dubai Imaaraadka, waxayna khatartaas ku galeen hawada gobollada waqooyi.

Sida aan Xogta ku helnay, labadaan diyaaradood oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Amarka qaldan ee khatarta geliyey diyaaradahaas waxaa naloo sheegay in laga siiyey Hargeysa, balse diyaaradaha ayaa bixiyey digniinaha khatarta muujiya, waxayna labada duuliye ku guuleysteen inay kala badbaadiyaan diyaaradaha rakaabka badan siday.

Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankaan ayaa taagan muddo ku dhow labo todobaad, kadib markii maamulka Somaliland go’aansaday carqaladeynta shaqada maamulka hawada dalka.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’ad Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay dacwadahaas.

Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan war-sacaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada Soomaaliya, iyadoo digniin u dirtay Somaliland.

Sidoo kale, hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa Somaliland ugu goodisay inay qaadi doonto tallaabo culus oo hadda ay uga tureyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada waqooyi.

Ad
Previous articleDowlada oo war kasoo saartay War ay baahisay Hay’adda Duulista & Madaarada Somaliland
Next articleGaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo Xilka laga Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here