Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo la dhigay Isbitaalka goor dhow

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo la dhigay Isbitaalka goor dhow

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la dhigay isbitaal kadib markii uu haleelay caabuq la sheegay aan xiriir la laheyn xanuunka COVID-19.

Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne ka ahaa Mareykanka intii u dhexeysay 1993-2001, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay la tacaalayay xanuunno kala duwan.

Sida ay sheegeen dhakhaatiirtu Clinton ayaa joogay isbitaal ku yaalla gobolka California labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Clinton, oo 75 jir ah, ayaa fiidnimadii Talaadada la dhigay Xarunta Caafimaadka UCI.

“Ma jirto xaalad laga welwelo Waa soo kabanayaa, niyaddiisuna waa wanaagsan tahay, wuxuuna aad ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeelka wanaagsan.” sidaas waxaa yiri dhaqtar ka howlgala isbitaalka la dhigay Clinton.

Madaxweynihii hore ee Mareykankaa, ayaa tagay isbitaalka kadib markii uu dareemay daal, waxaana laga helay caabuqa sepsis ee ku dhaca dhiigga, kaasoo sababay barar jirkiisa ah.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in dhakhaatiirta Clinton, Alpesh Amin iyo Lisa Bardack, ay bayaan ay soo saareen ku sheegay in la seexiyay isbitaalka, si dhowna loola socdo xaaladdii caafimaad.

Ad
Previous articleSawiro: Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Guriceel oo Xiran Maanta
Next articleMuqdisho oo looga shiray Xareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here