Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta oo Soo Dhaweeyey Go’aanka Kasoo Baxay Gudiga Doorashooyinka

Midowga Musharixiinta oo Soo Dhaweeyey Go’aanka Kasoo Baxay Gudiga Doorashooyinka

0

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u taageeray jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal, waxayna maamulada uga digeen fara-gelinta ay ku hayaan arrimaha doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca iyo daahitaanka sanad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaada sharciyada iyo weliba jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhaweynayaa jadwalka dhameystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT),” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa ka digay fara-gelinta maamulada ee dhameystirka doorashooyinka dalka, ayaga oo cadeeyay in kaalinta dowlad goboleedyada ay ku eg-tahay fududeynta doorashootinka ee deeganadooda.

“Golaha wuxuu adkeynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo beesha caalamka inay gacan ku siiyaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladeynta dhameystirka hawlaha doorashada

Ad
Previous articleMaraykanka oo Taageeray Gudiga Doorashooyinka Kana Horyimid Go’aan kasoo Baxay QoorQoor iyo Laftagareen
Next articleUkrain oo ku Gacan sayrtay Shuruud Ruushku usoo Bandhigay Si Dagaalka u joojiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here