Home Wararka Maanta Doorashada 11 kii Kursi ee Taalay Baladweyne oo Dib loo dhigay iyo...

Doorashada 11 kii Kursi ee Taalay Baladweyne oo Dib loo dhigay iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Guddiga doorashada HirShabelle ee (SEIT) ayaa dib u dhigay doorashada 11 kursi oo taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Jadwalka kuraastan ayaa la shaaciyey labadii bishan, waxaana qorshuhu ahaa in doorashadooda la qabto 8 iyo 9 bishan aynu ku jirno ee March.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa sababta dib loogu dhigay doorashada kuraastaasi ku sheegay arrimo farsamo dartood, wuxuuna guddiga shaaciyey inay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga rasmiga ah ee la qaban doorashada kuraastaas oo ku harsan Beledweyne.

Kuraastan oo ay qaarkood ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn leh ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#004, Hop#010, Hop#011, Hop#019, Hop#030, Hop#039, Hop#058, Hop#059, Hop#063, Hop#066 iyo Hop#135.

Yaa ku fadhiya?

1- Hop#004 waxaa ku fadhiya Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

2- Hop#010 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Maxamed Axmed (Jindi.

 

3- Hop#011 waxaa ku fadhiya C/risaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga.

4- Hop#019 waxaa ku fadhisa Farxiyo Muumin Cali.

5- Hop#030 waxaa ku fadhiya Daahir Amiin Jeesoow.

6- Hop#039 waxaa ku fadhisa Drs Maryan Axmed Haaruun.

7- Hop#058 waxaa ku fadhiya Nuur Iidow Beeyle.

 

8- Hop#059 waxaa ku fadhiya Samiiro Xasan Cabdulle.

9- Hop#063 waxaa ku fadhiya C/laahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.

10- Hop#066 waxaa ku fadhiya Cumar Cismaan Waasuge.

11- Hop#135 waxaa ku fadhisa Aamino Maxamed Cabdi.

Si kastaba, dib u dhaca ku yimid doorashadani ayaa kusoo aaday, iyada oo culeys xoogan haatan laga dareemayo Beledweyne oo ay ku sugan yihiin inta badan musharixiinta xil doonka ah, iyada oo habeen horena maleeshiyaad gadoodsan ay soo galeen magaaladaasi.

 

 

Ad
Previous articleSiyaasiyiin Farabadan oo Ka Falceliyay Guushii Qaali Shirw iyo Guuldaradii Ubax Tahlii ee Xalay iyo Gaalkacyo
Next articleProf ibbi “Dad aan ku kalsoonaa uu Farmaajo ku jiro ayaa dhabarka iga jebiy”ay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here