Home Wararka Maanta Maxamed Cabdixakiin Maxamed oo Marlaabad Maanatay lagu Xukumay dil Toogasho ah

Maxamed Cabdixakiin Maxamed oo Marlaabad Maanatay lagu Xukumay dil Toogasho ah

0

Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishii September ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labaatan iyo lixdii bishii September ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaasta marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Qareenada u doodaayay eedeysanaha ayaa Shan iyo tobankii bishaan qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada afar iyo tobankii bishan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Ad
Previous articleCiidamada Danab ee Puntland oo Deni U Diray Hanjabaad culus
Next articleKoonfurgalbeed oo lagu soo Bandhigay Macawislaydii ugu Horaysay ee Ka qayb Gaalaya Daagalka Ka dhanka ah Alshabaab(SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here