Home Wararka Somaliya Galmudug Waa kuma Muxudiin Daqarre ee Kasoo Jeeda Galmudug ahaana Gacanyarihii Hoogaamiyaha Alshabaab...

Waa kuma Muxudiin Daqarre ee Kasoo Jeeda Galmudug ahaana Gacanyarihii Hoogaamiyaha Alshabaab ee Shalay Gacanta Lagu Dhigay?

0

Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxudiin Daqarre) oo ka tirsanaa saraakiisha Al Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in Muxudiin Daqarre lagu qabtay magaalada Muqdisho oo uu si dhuumalaysi ah ku soo galay, laakinse lama sheegin sida loo qabtay iyo goobta uu ku signaa markii la qabanayey.

Waxaa la sheegay inuu ka soo hawl galay gobollada Bay, Galgaduud, Mudug, Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Kumuu ahaa Muxudiin Daqarre

Muxudiin Daqarre waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhallinyaro aan badnayn oo lagu billaabay Al Shabaab bartamihii sannadihii labada kun sida uu BBC u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan nabadsugidda Galmudug, horena uga mid ahaa NISA, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.

“Ninkan wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro ilaa 40 gaaraysa oo uu aasaasay Aadan Cayrow 2005 – 2006 xilligii maxkamadaha Islaamiga, isaga ayeyna ayeyna toos uga amar qaadanayeen. Xilligaas waxay ku dhex jireen maxkamadaha Islaamiga, waxaana magaca loogu bixiyey dhallinyaranimada” ayuu yiri sarkaalkaas.

Wuxuu intaa ku daray inuu markiisii hore ka mid ahaa jabhadihii xukunka ka tuuray Siyaad Barre, magaca Daqarre-na uu ugu baxay markii uu gaari kula rogmaday meel u dhaxaysa Bandiiradley iyo seddex Higlo oo ka tirsan gobolka Mudug, ayadoo wajiga uu dhaawac ka soo gaaray.

Sarkaalkaas wuxuu BBC u sheegay in jamaacada tabliiqa uu ku biiraay Muxudiin Daqarre 2003, ka dibna uu u dhoofay dalka Pakistan, halkaasoo uu ku maqnaa muddo afar bilood ah, laakinse ma uusan sheegin inuu u sii gudbay dalal kale ama uu soo qaatay tababarro khaas ah.

“Dalka ayuu dib ugu soo noqday, wuxuuna ku biiray maxaakimtii islaamiga, isagoo si gaar ahna uga sii mid noqday 40kii qof ee Aadan Xaashi Cayrow ka amar qaadanaysay, kuwaasoo hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Muqdisho iyo meelo kale” ayuu sii raaciyey.

Dabayaaqadii 2007 waxaa Muxudiin Daqarre qabtay dawladdii Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf.

Ujeedada qabashadiisa ayuu ku sheegay sarkaalkaas inay la xiriirto hub lagu riday dayaarad ay Itoobiya lahayd oo la tuhunsanaa in hubkii lagu riday uu isagu ku lug lahaa.

“Itoobiya ayaa loo gudbiyey, muddo dhowr sano ah ayuuna halkaa ku xirnaa. Galaangal la sameeyey ka dib ayey suurtogal noqotay in dib loo soo daayo xili ay ku aadanayd 2011, waxaana xilligaas la sheegay inuu ka baxay Shabaab iyo maxkamadaha.

Wuxuu xataa tegey Mudug iyo meelo kale ayadoo loo haystay inuu qof caadi ah yahay, laakinse dib ayuu ugu laabtay Al Shabaab, wuxuuna saaxib dhow la noqday Abuu Mansuur Al Amriiki. Ka dib waxaa isku dhacay AL Amriiki iyo amiirkii Al Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana sidaas lagu khaarajiyey Abuu Mansuur Al Amriiki” ayuu yiri.

Sarkaalkaas ka tirsanaa NISA wuxuu BBC u sheegay in ay jireen rag badbaaday markii khilaafkaas uu aad u xoogaystay, kuwaasoo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aweys, laakinse “Muxudiin Daqarre wuxuu la saaxiibay Axmed Godane”.

“Markii la khaarajiyey Axmed cabdi Godane, Muxudiin Daqarre wuxuu ka mid ahaa dadkii raadiyey inay qabtaan xilka ugu sarreeya Al Shabaab, hankaasna wuu ku jiray” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inuu ogyahay inuu ku jiray golaha shuurada, balse ma uusan xaqiijin inuu wax xil ah ka hayey Al Shabaab. “Laakinse marka la gaarayo go’aannada muhiimka ah wuxuu ka mid ahaa dadka go’aannada gooya, go’aannadoodana ay fulaan” ayuu sii raaciyey.

Maxay uga dhigan tahay Shabaab iyo Dawladda qabashada Daqarre

Sarkaalka BBC u warramay ee aqoonta u leh Muxudiin Daqarre wuxuu sheegay in Shabaab ay wax badan uga dhigan tahay qabashadiisa.

“Wax badan ayey uga dhigan tahay, waayo wuxuu ku jiray raggii wax ka aasaasay wax badan ayuuna ogyahay”

“Wuxuu kaloo ahaa nin qabiilka uu ka soo jeedo wax laga weydiiyo, taladana gooya, wuxuuna ahaa nin aad ugu weyn AL Shabaab” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in xogta uu bixin doono Muxudiin Daqarre oo hadda ku jira da’da kontomeeyada ay dawladda ka caawin karto dagaalka ay wakhti xaadirkan kula jirto Al Shabaab.

Xogta ay dhici karto in laga helo ayaa la rumaysan yahay in ay ku jiri karaan macluumaad badan oo dhinaca hogaanka la xiriira maadaama uu si dhow ula soo shaqeeyey amiirradii hore ee Shabaab iyo amiirka hadda xukuma ururkaas, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Ad
Previous articleXuutiyiinta Yeman oo War kasoo Saaray Weeraro Ba’an oo Maraykanka iyo Ingiriisku ku Qaadeen Yeman
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Duqayn Culus oo Alshabaab lagb Laayay oo Ka dhacday Koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here