Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo...

Wararkii Ugu Danbeeyey doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay sameeyeen ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo lagu soo qabtay 2 doon.

Doomahan ayaa waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse.

“In ka badan 30 sano ayay doomahaan laga leeyahay Iiraan si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Mubaarak Cabdiqani Muuse.

Labada doon ee ay qabteen ciidanka badda ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in laga leeyahay dalka Iiraan, kadib markii xogo ku filan ciidamada badda ay soo diyaariyeen, si loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda.

Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Horranta bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamada shisheeye ee sida sharci daradda ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hore waxay maraakiibta dalalka shisheeye uga dalbatay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.”

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo ka hadashay cod laga duubay nin ku baaqay in la dilo wakiil ka tirsan QM
Next articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo gacanta Kusoo Dhigay Askari hubeesan oo dhibaato ku hayay Shacabka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here