Home Wararka Maanta Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay, kadibna guddoon doortay Xili khilaaf...

Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay, kadibna guddoon doortay Xili khilaaf adag Taaganyahay

0

Xildhibaamada cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goordhow la dhaariyay kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe.

Dhaarinta ayaa ka qabsoontay xarunta Golaha wakiilada, ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaanaxarunta la dhigay ciidamo badan.

Xildhibaannada cusub oo saaka uun la shaaciyay ayaa hadda kulankoodii ugu horreeyay yeeshay, waxayna doorteen guddoomiye KMG ah, waxaana loo doortay Xasan Cabdalla Xasan oo ah ninka ugu da’da weyn, kaas oo horay usoo noqday duqii Boosaaso.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli dood xoogan ay ka taagan tahay liiska xildhiibaannada cusub oo ka kooban 66 mudane, waxaana ku jira 17-ka ka imaanaya deegaannada SSC-Khaatuma.

Dhanka kale, Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Isxaaq Axmed Xasan oo saaka shir jaraa’idu u qabtay warbaahinta ayaa ka horyijmid liiska la shaaciyay ee xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiye Isxaaq ayaa sheegay in liiskaas ay soo gudbisay madaxtooyada, xubnaha ku qorana aysan soo marin habraacii saxda ahaa doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxtooyadu liis-bey soo diyaarsatay waxaa nala tusay liis aan la garaneyn liiskaas 70% ma ahayn xittaa dad soo maray habraacii saxda ahaa ee guddiga” ayuu yiri Isxaaq.

Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay dhankooda horay tallaabadan uga digeen mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey 46 ka tirsanaa Al-Shabaab oo hal goob lagu laayay koonfurta Gobalka Mudug
Next articleAlshabaab qaraxyo Watay oo lagu Qabtay koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here