Home Wararka Maanta Safaaradda Somalia ee Kenya oo jawaab ka bixisay Ganaaxii Lagu Riday ...

Safaaradda Somalia ee Kenya oo jawaab ka bixisay Ganaaxii Lagu Riday Safaarada Soomaaliya ee Kenya

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa markii u horreysay ka jawaabtay xukun ay ku ridday Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xukunka Maxkamadda ayaa yimid kaddib markii shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited ay ku dacwootay in looga baxay heshiis ay qandaraas ku qaadaneysay dib-u-dhiska safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Maxkamadda ku taalla Nairobi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya lagu xukumay lacag dhan 23 milyan oo shillin oo ah lacagta dalkaas, si ay magdhaw ahaan ugu hesho shirkadda, maadaama looga baxay qandaraaskii ay qaadan rabtay, sida lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda.

Qaraarka maxkmadda ayaa waxaa si adag uga horyimid qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal, oo isagu sheegay in aysan maxkamadda ku wargelin dhageysiga eedaha loo gudbiyay maxkamadda.

Xabiib oo la hadlay BBC ayaa waxa uu sheegay “in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xataa xukun lagu riday midna.”

“Warkaas (xukunka) maxkmadda waxaa ka aragnay warbaahinta. Majirto shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraal ahba ay dowladda Soomaaliya ay la gashay shirkaddaasi,” ayuu yiri qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal.

Waxa uu intaas kusii daray “Majirto wax xukun ah oo nala soo socodsiiyay,” isaga oo sheegay in aysan hadda jirin lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan, kadib qaraarka soo baxay.

Si kastaba, Shirkaddan oo ay leeyihiin Soomaali ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraaska dib-u-dhiska safaaradda, waxayna maxkamadda u xukmisay in 23 milyan oo shillin-ka dalkaas ah ka dalban karto dowladda Soomaaliya.
Ad
Previous articleDowlada Somalia oo lagu xukumay iney bixiso Malaayiin lacag magdhow ah
Next articleDowladda federaalka Soomaaliya oo billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here