Home Wararka Maanta Faahfahin Xildhibaan C/raxmaan Xaajii Maxamed oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Faahfahin Xildhibaan C/raxmaan Xaajii Maxamed oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil magaalada Boosaaso loogu geystay xildhibaan C/raxmaan Xaajii Maxamed oo ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Sida wararku sheegayaan, kooxo hubeysan ayaa xalay xildhibaanka dhowr xabadood uga dhufatay qeybaha sare ee jirka, waxaana soo gaaray dhaawac culus, iyadoo loola cararay xarumaha caafimaadka, halkaasoo uu saaka ugu geeriyooday dhaawicii darnaa ee soo gaaray.

Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiisha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan soo qabashada kooxihii ka danbeeyay dilka xildhibaanka oo kamid ahaa kuwa ugu firfircoon ee golaha deegaanka gobolka Sanaag.

Si kastaba, Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga xun Magaalooyinka Puntland, waxaana dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaaday Xarumo kamid ah kuwa Maamulka.

Ad
Previous articleGaari Xamuul oo xalay Dulmaray Moota Bajaaj iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ka dhashay
Next articleGolaha Wasiirada Oo Go,aano Culus ka Soo saaray Dilalka Loogaysto Wadayaasha Bajaajta oo Maalmahan Muqdisho lagu laynaayay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here