Home Wararka Maanta Madaxda IGAD oo isku raacay in Somalia xil culus laga siiyo Ururka...

Madaxda IGAD oo isku raacay in Somalia xil culus laga siiyo Ururka (Sawirro)

0

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu soo gebagebeeyey Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelay shirkaas waxa ay ku soo bandhigeen doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD, waxaana shirka laga soo saaray go’aano la xiriira arrimaha Somalia oo u qornaa sidatan hoose.

1-In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

3-Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

4-Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5-IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.

 

Ad
Previous articleHaweeney kufsatay wiil siddeed jir ah oo lagu xukumay Xukun Adag
Next articleMohamed Dheere oo lagu Afduubtay Gudaha Dalka Koonfur Afrika iyo Baadi Goob Xooga oo wali loogu Jiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here