Home Wararka Maanta Laba sarkaal oo loo xiray weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer iyo Muzeveni oo...

Laba sarkaal oo loo xiray weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer iyo Muzeveni oo ka Hadlay

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in laba sarkaal oo sare loo xiray weerarkii lagu laayey ciidamadiisa ee ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Museveni ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada Uganda aysan u howlgelin sidii la filayey intii uu weerarka socday ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.

Waxa uu shaaciyey magacyada laba taliye oo kala ah; Maj Oluka iyo Maj Obbo, oo ku eedeeyey inay ku amreen askarta inay dib u gurtaan weerarkii 26-kii May ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga howlgalka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer ee Shabeellaha Hoose.

“Waa la soo qabtay, waxayna wajihi doonaan eedeymaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, dib ayayna isu abaabuleen, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhiga,” ayuu Mr Museveni ku yiri hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Muuqaalo ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo muujinaya askar naftooda la cararaya iyo kuwa nolosha lagu qabtay ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Uganda.

Yoweri Museveni ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari.

Tiradan ayaa aad uga yar middii horay u shaaciyeen Al-Shabaab oo sheegatay inay weerarkaas ku dishay ugu yaraan illaa 137 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida

Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan taliyaha ciidanka lugta ee Uganda Jeneral Kayanja Muhanga oo baaraya weerarkii lagu laayey ciidanka Uganda.
Ad
Previous articleRaysulwasaare Netanyahu oo argagixiso ku tilmaamay askarigii Masaariga ahaa ee dilay askarta Israa’iil
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal dib uga qarxay Khartuum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here