Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Maraykanka oo ay nafwaayeen 18,000 kun oo neef

Qarax ka dhacay Maraykanka oo ay nafwaayeen 18,000 kun oo neef

0

Qiyaasti 18,000 oo neef oo lo’ ah ayaa ku baqtiyay qarax horraantii todobaadkan ka dhacay beer xoolaha lagu dhaqdo oo ku taalla gobolka Texas ee Maraykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.

Qaraxa oo ka dhacay berta South Fork ee u dhaw magaalada Dimmitt ayaa waxaa la rumaysan yahay in uu ka dhashay qalab halkaa yaallay.

Waxaa goobta ku dhaawacmay oo xaalad halis ah wajahayo qof beerta joogay, kaasoo lagu dabiibayo cisbitaal ku yaalla gobolkaas.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu sababay qalabkaas uu gaaray meel lagu keydiyo hawada methane, taasoo dhalisay dab xooggan.

Ku dhawaad 3 milyan oo neef oo xoolo ah ayaa ku baqtiyay dab ka dhacay Maraykanka mudadii u dhexaysay 2018 iyo 2021.

Xafiiska maamulaha deegaanka Castro ayaa sheegay in qeylo dhaan ku aaddan dabka ay soo gaartay saqdii dhexe ee Talaadadii la soo dhaafay.

Sawirro uu baahiyay xafiiskaas ayaa muujinaya beerta oo gubanaysa iyo qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Markii ay booliska iyo kooxaha gurmadka degdega ah gaareen beerta, waxa ay arkeen qof ku xanniban dhisme halkaa ku yaalla, kaasoo la badbaadiyay, haatanna xaaladdiisa lagula tacaalayo cisbitaal ku yaalla Texas.

Xafiiska maamulaha oo ay BBC-du weydiisay tirada saxda ah ee lo’da ku baqtiday dabka, ayaa waxa uu ku jawaabay in “qiyaastooda ay tahay in 18,000 oo neef oo lo’ ah ay ku gubteen qaraxa iyo dabka ka dhashay”.

Maamulaha deegaanka Castro, Sal Rivera, ayaa telefishinka maxalliga ah ee KFDA u sheegay in inta badan lo’da ay gubatay markii uu dabka ku faafay qeybaha la daajiyo ka hor inta aan la geyn goobta caanaha looga liso.

“Waxaa jira neefaf ka badbaaday dabka, hase yeeshee qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo aan wax laga qaban karin oo ay tahay in la gawraco,” ayuu yiri Rivera.

Waxa uu intaa raaciyay in ay suuragal tahay in qalabka qaraxa sababay uu karka ka batay, kadibna uu dabka qabsaday hawada methane oo halkaa lagu keydiyay.

Mac-hadka daryeelka xoolaha ee xaruntiisu tahay Washington ayaa BBC-da u sheegay in haddii ay dhab noqoto in 18,000 oo neef ay ku gubteen dadkaas, ay taasi tahay tiradii ugu badnayd ee lo’ ku baqtida Maraykanka tan iyo markii uu bilowday diiwaankooda 2013.

“Waxaan rajeynayaa in beeraha ay xoogga saari doonaan badqabkooda iyo qaababka looga hortago dabka,” ayay tiri Allie Granger oo ka tirsan Mac-hadka daryeelka xoolaha.

Xaruntaas ayaa sheegtay in ku dhawaad 6.5 milyan oo xoolo ah ay ku naf waayeen dab ka kacay qeybaha kala duwan ee Maraykanka tan iyo 2013. Digaaga ayaa ah tirada ugu badan oo waxaa dab ku gubtay qiyaastii 6 milyan, halka 7,300 ay ahaayeen lo’.

Ad
Previous articleWafdi Kasocda Dowlada oo Gaaray Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Asbuucii Hore Alshabaab laga Saaray
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Degaano Hor leh oo Galmudug ah Galabtay Laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here