Home Wararka Maanta Ururka iskaashiga islaamka oo ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Ururka iskaashiga islaamka oo ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho

0

Xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Jeddah iyo Qaramada Midoobay ayaa A ku biiray xulafada Soomaaliya -oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Masar, iyo Turkiga – iyagoo cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof.

Ciidamada Booliska &  Militariga ee Magaalada ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqay in Ciidamada Dowladda Somaliya ay soo afjareen weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat, isla-markaana ay kazoo badbaadiyeen 106 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur

Hissein Brahim Taha, Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, ayaa muujiyay sida uu u cambaareynayo falkaas foosha xun, isla markaana ay garab taagan yihiin qoysaska, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ku celiyay mowqifka mabda’a ah ee OIC ee ka dhanka ah argagixisanimada nooc kasta iyo muuqaalkeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarka, sida lagu sheegay war rasmi ah oo uu soo saaray oo lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerto dadka Soomaaliyeed “la dagaalanka argagixisada iyo socodkooda nabadda”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa sidoo si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Waxa ay xaqiijisay mowqifka Boqortooyada ee “ diidmada dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisanimada, muujinta tacsida iyo dareenka qoysaska dhibanayaasha, dowladda walaalaha ah ee Soomaaliya, iyo shacabka.”

Ad
Previous articleMilkiiliha Hotelka Hayat oo Beeniyay arin Halis aheed
Next articleMaxamed Ibraahim iyo garsooreyaasha kale ee go’aanka ka gaaraya muranka doorashada Madaxweynaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here