Home Wararka Maanta Shil gaari oo dhaliyay khasaare xooggan oo ka dhacay meel u dhow...

Shil gaari oo dhaliyay khasaare xooggan oo ka dhacay meel u dhow Jigjiga

0

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dad ka badan toban qof ay ku dhinteen shil gaari oo shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Jigjiga iyo degmada Shabeeley ee gobolka Faafan

Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in 12 qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilkaan, iyadoo dadkaas qaarkood dhaawacyadoodu ay aad u liitaan.

Gaariga baska ahaa oo ah nooca Soomaalidu u taqaanno caasiga ayaa waxaa saarnaa dad badan oo rakaab ah, waxaana uu markii hore jiiray neef ari ah kadibna wadada ayuu ka baxay markii uu ku soo laabtayna waxaan uu ka dhacay gaariga iska rogaha ah, sida uu sheegay madax ciidanka ilaalada amniga waddooyinka ee gobolka Faafan Shaafi Carab Maxamed oo la hadlayay warbaahinda deegaanka.

Shilkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee deegaanka ka dhaca, ayaa dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen lagula taacalayaa hadda isbitaal ku yaalla magaalada Jigjiga.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Xalay ku Hoyday Dhuusamareeb iyo Qorshe ka Bilowday Magaladaas
Next articleAl-Shabaab oo 7 nin ku toogatay fagaare ku yaala degmada Jilib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here