Home Wararka Maanta DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Muqdisho

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax weyn ayaa dhow ka dhacay mid ka mid ah albaabada laga galo dugsiga Tababarka ciidamada Jen. Dhegabadan Ex- Warshada Nacnaca oo ku taalla duleedka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Albaabka laga galo Warshada Nacnaca kan soo xiga dhinaca Kaamka Badbaado ee degmada Wadajir.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad u badan Dhalinyaro isku diyaarinayay in loo qoro Ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo lagu baarayay Irida laga galo xerada Jen. Dhegabadan, waxaana goobtaas xiray ciidamada amaanka, gaadiidka gurmadka deg dega ah ee ambalaasta ayaana halkaas gaaray.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Kaashanaaya Dadka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab Saakay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here