Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Al Shabaab oo hubeesay Odayaal kasoo jeeda Abgaal kuna dhawaaqay Dagaal (Sawirro)

Al Shabaab oo hubeesay Odayaal kasoo jeeda Abgaal kuna dhawaaqay Dagaal (Sawirro)

0

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa kulan ku yeeshay odayaal kasoo yeeda beesha Abgaal oo taageersan Al Shabaab ,kuwaa oo kulanka kaddib ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo ah Imaamka Al Shabaab u magacaabeen beesha Abgaal, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan dowladda iskana difaacaan duullaamka kusoo wajahan.

Waxa uu sheegay Imaamka in hubka u qaateen yarkooda iyo weynkoodaba in ay dagaal la galaan ciidamada dowladad iyo kuwa ATMIS, waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan duullaanka kasta oo lagu soo qaado.

Al Shabaab ayaana deegaanka Masaajid Cali Gaduud kusoo bandhigtay odayaal iyo dad kale oo la hubeeyay, kuwaa oo la sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan ciidamada dowladda iyo kuwa macawuusleyda ee duulaanka ku ah deegaanada Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamo badan oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhaqaaqay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan la sheegay in duullaan ku yihiin deegaanada Al Shabaab ka joogaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ad
Previous articleWasiirkii Maaliyada Puntland oo ku baaqay in Siciid Deni laga badbaadiyo Puntland
Next articleBooliska Sweden iyo Wadamada Yurub oo kulan ku dhexmaray Caasimada Stockholm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here