Home Wararka Somaliya Galmudug Maxaa ka hirgalay Qorshaha Madaxweyne Qoor Qoor ee ka Socday Magaalada Muqdisho

Maxaa ka hirgalay Qorshaha Madaxweyne Qoor Qoor ee ka Socday Magaalada Muqdisho

0

Madaxa Maamulada Dalka ayaa gaaray magaalada Muqdisho iyagoo halkaasi kaga qeyb galaya Shir dhawaan uu ku baaqay Raisal Wasaaraha Dalka Rooble.

Shirka ka hor Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa gaaray magaalada Muqdisho waxana Qorshihiisa ahaa in uu u kala dab qaado labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay Damaciisa ahaa inuu u kala dabqaado labada dhinac oo mabda ahaan isku haya arimo siyaasadeeda oo adag.

Sida mudug24 xogta ku heleyso Shirka ka furmaya muqdisho ayaa la Filayaa in mar kale lagu soo hadal qaado sida xaalada loo dajin karo.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sidii hore kasoo jilcay kadib markii beesha caalamka ku wargalisay in waxa uu wado aysan dalka ka shaqeyn karin.

Farmaajo ayaana ka cabsi qabo in lagu soo rogo xanibaado safarka ah hadii ay dhacdo inuu ku kaco falal keeni kara dagaal.

u gaar ah Mudug24

Ad
Previous articleDeg deg Dagaal Xoogan oo ka Socda Magaalada Baladwayn
Next articleTalaalka Afaraad ee Corona oo laga Bilaabay Dalka Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here