Home Wararka Maanta Xamse Cabdi bare oo Qaabilay Safiir Dadkii Dhawaan Muqdisho lagu Dilay(Sawiro)

Xamse Cabdi bare oo Qaabilay Safiir Dadkii Dhawaan Muqdisho lagu Dilay(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Kooxda Al Shabaab ayaa Khamiistii qarax miino ku dilay duleedka magaalada Muqdisho muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaa oo halkaasi ka waday howlo samafal ah uu ku caawinayay dad Soomaaliyeed oo tabaaleysan.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dowladda oo war kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Balcad
Next articleWar Deg Deg ah: Taliyihii Booliska Hiliwaa oo Dil Toogasha ah lagu Xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here